Dowladda Federaalka & Garsoorka Dalka.

HORDHAC:

Dowladda Federaalka Soomaalkya waxay ka koobantahay saddex laamood, kuwaas oo mid kasta ay leedahay madax-bannaani sharci ah, laakiin si wadajir ah uga shaqeeya maamulka dalka guud ahaan, waxayna mid waliba leedahay shaqo gaar ah oo muhiimad iyo manfaco u leh Bulshada Soomaaliyeed, waxayna kala yiriin nidaamyadaasi:

  1. Laanta Fulinta (Executive Branch)

Waxay u xilsaaran tahay fulinta sharciga, siyaasadda dalka, iyo maamulka guud ee dowladda, waxaana hoos yimaada Hay’ado kala duwan oo aan la’aantood jirikarin dowladnimo, waxayna kala yihiin:-

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    • Waa madaxa qaranka guud ahaan.
    • Sharci dhowhara Guud ee Dalka.
    •  Madaxa Ciidanka Qalabka sida.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
    • Mas’uulka ugu sarreeya Hayadaha Dawladda xilliga ah.
    • Wuxuu maamula Golaha Wasiirrada ee Dalka.

[[Wasaaradaha Federaalka (tusaale):

    • Wasaaradda Caddaaladda
    • Wasaaradda Arrimaha Dibadda
    • Wasaaradda Maaliyadda
    • Wasaaradda Amniga Gudaha
    • Wasaaradda Gaashaandhigga.
  • Hey’adaha Madaxa-bannaan (qaarkood):
    • Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha
    • Hay’adda Maamulka Hawada
    • Guddiga Xuquuqda Aadanaha
    • Guddiga Xuduudaha.
    • Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
  1. Laanta Sharci-dejinta (Legislative Branch)

Waxay ka kooban tahay Baarlamaanka Federaalka (Labada Aqal), waana laanta dejisa Xeerarka dalka, waxaana hoosyimaada Hay’ado dhowr ah kuwaasi oo kala ah:-

  • Aqalka Sare: Wakiilada maamul-goboleedyada
  • Golaha Shacabka: Wakiilada shacabka Soomaaliyeed
  • Guddiyada Baarlamaanka: sida Guddiga Arrimaha Gudaha, Garsoorka, Maaliyadda, iwm.

3. Laanta Garsoorka (Judiciary Branch)

Waxay u xilsaaran tahay xalinta khilaafaadka iyo fasiraadda sharciga, iyadoo u shaqeysa si madax-bannaan kana madax-banaan  labada laan-dowladeed ee aan sare ku soo sheegney, waxaana hoos yimaada Hay’adaha kala ah:-

  • Maxkamadda Sare ee Dalka: Waa shaqeysaa.
  • Maxkamadaha Sare ee Dowlad-goboleedyada: Waa shaqeeyaan.
  • Maxkamadaha Racfaanka Gobollada: Waa shaqeeyaan.
  • Maxkamadaha Gobollada & Degmooyinka: Waa shaqeeyaan.
  • Xeer Ilaaliyaha Guud & Xeer-ilaaliye Maamul-goboleedyada: waa shaqeeyaan
  • Golaha Adeegga Garsoorka: Mashaqeynin 30/08/2015 – 2025.

 Maamullada Xubnaha ka ah Fedraalka Somalia (M.goboleedyada)

Waxaa jira Maamul-goboleedyadu kamid ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya kuwaasi oo kataliya meelo kala duwan oo katirsan dhulka soomaalida, waxayna leeyihiin nidaam dowladeed u gaar ah, oo la mid ah kan federaalka, laakiin hoos yimaada qaanuunka guud ee  Dalka iyo Dastuurka Federaalka iyadoo ay magac ahaan yihiin:-

  • Somaliland, SSC Khatumo, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed , Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir oo aan weli loo asteynin hab-maamuuskiisa.

Hay’adaha maamul-goboleedka:

  • Madaxweynaha maamul-goboleedka.
  • Golaha Wasiirada maamul-goboleedka.
  • Golayaasha Sharci-dejinta (Baarlamaanada degaanka)
  • Maxkamado heer gobol ah.

Sida ay isu hoos-tagaan hay’adaha dowladda:

Hay’ad Hoostagidda/Dhisme Heer
Madaxweyne Madaxa qaranka Federaal
Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Federaal
Wasiir Hoos yimaada Ra’iisul Wasaaraha Federaal
Agaasime Guud Hoos yimaada Wasiir Federaal
Baarlamaanka (Labada Aqal) Laan madax-bannaan Federaal
Maxkamadda Sare Laan madax-bannaan Federaal
Madaxweynaha Dowlad Goboleed Madaxa maamul-goboleed Heer gobol
Wasaaradaha Maamul-Goboleedyada Hoos yimaada Madaxweynaha deegaanka Heer gobol

Waxaa jira Hay’ado wada shaqayn leh balse aan si toos ah isu hoos tegin.

 Tusaale:-

  • Wasaaradda Caddaaladda Federaalka waxay qabanqaabisaa siyaasadda guud ee sgarsoorka.
  • Guddiga Adeegga Garsoorka waa hay’ad madaxbannaan, balse waxay si dhow ula shaqeysaa Wasaaradda.
  • Maxkamaduhu ma hoos tagaan Wasaaradda Caddaaladda, sababtoo ah waa laan madax-bannaan.
  • Soomaaliya iyo Garsoorka.
  • Soomaaliya waa Dal Madaxbanaan oo kamid ah Qarumaha midoobey islamarkaan xurriyadda qaatay 1 July 1960kii, xilligaasi oo uu ka xoroobey Gumeystihii Talyaaniga oo isagu dalka horey uga talinayay, wuxuuna xilligaasi yeeshay dalku Dowlad madax-banaan oo leh hey’ado rasmi ah oo ay kamid tahay Hay’adda Garsoorka oo xubin muhiim ah ka ah Dowladnimada caalamka meelkasta oo la joogo, iyadoo xilligaasi uu shacbiga soomaaliyeed heylay Garsoor Casri ah oo ay maamulayaan Dad Soomaali ah.
  • Horey Shacbiga Soomaaliyeed inta aanu Xurnimada qaadan wuxuu lahaa Garsoor kudhisan laba Hay’adood oo isku dhafan, kuwaasi oo ay hortooda dadku ku kalabixi jireen kuna dhaqmi jireen si aan Eex iyo Tuhun lahayn oo wadar-oggol ah, waxayna ahaayeen Hay’adahaasi:-
    • Xeer-beegti loo aqoonsan yahay Dhaqanka shacabka laguna ixtiraamo oo leh hab-maamuus gaar u ah oo ay kaga soocan yihiin Bulshada, waxayna Bulshadooda ku dhaqayeen Hab-dhowridda wadajirka Bulshada wadanool, iyadoo wax lagu kala saaro dhaqan u gaar ah iyo qiimeynta (Aragtida wax Fahamka Darafyada is-haya, Dhaqaalahooda, Hor-dhaladnimo ama Yaraannimo, Kala duwanaanshiyada dadka ee Xagga Samirka IWM).
  • Culimada Diinta oo iyadu ahayd meesha kama dambeysta ah oo ay arrimaha la’isku hayaa ku dhamaan jireen islamarkaana ruuxa aan ku qancini go’aanka Xeer-beetiga loo gudbinjirey laguna kala dhamaan jirey, ninka aan ku qancinna uu ahaa mid aan Alle iyo Rasuul (CSW) aqoonin, iyadoo ruuxa halkaasi gaara laga takoori-jirey Bulshada Dhexdeeda, waxayna culimadu wax ku kala saari jireen (Kitaabka Alle iyo Sunnaha Nabiga N.N.K.H, Fiqhiga Islaamka iyo Maqaasidiisa iyo Waaya aragnimadooda ay u lahaayeen bulshada ay kamid yihiin iyo dhaqankeeda toosan ee laga qalin-daartay Diinta Islaamka).
  • Dalka Soomaaliya intii aanu Xurriyadda qaadan labada heer garsoor ee aan soo sheegney mid waliba wuxuu lahaa Waqti waxaana lagu hormari jirey Xeer-beegtida oo iyagu katalin jirey dhibab u lahaa Hal-beegyo ay kamiyihiin (Eed iyo Isaay ama Dhib iyo Dhabaqo), tiiyoo hadii taa lasoo dhaafo ee daraf la lodin waayo loo gudbi jirey heerka 2aad ee Culimada iyagu loogu tegi jirey wax loo yaqaanay (Kutuba dayid ), iyadoo wixii uu shiikhu sheego ay ahayd wax aan laga laaban karin in la fuliyo mooyee.
  • Qeexidda Ereyga (Garsoor)
  • Ereyga “garsoor” waa Erey-dhaqameed asal ahaan kasoo jeeda Af-Soomaaliga, wuxuuna iska saran yahay laba Erey oo mid waliba leeyahay micne gooni ah, marka la la’isku xirana sameynaya micne kaweyn micnaha uu lahaa Erey kasta si gooni ah:

Tusaale:

  • Ereyga (Gar), waa Erey micno badan Af-soomaaliya, balse marka uu mowduuceennan kujiro waxaa loola jeedaa (Abbaar ama Xaq lahaanshiyo ) waxaana la adeegsadaa marka ay jirgo dood dhexmareysa dad bani’aadam ah oo mid waliba isla yahay Xaqle saxan oo kan kale kaga toosan arrinta la’isku hayo.
  • Ereyga (Soor), oo luqadda soomaaliga ku ah martigelin iyo Qeybin wax anfac leh si samafal ah oo aan lagu raadineynin wax Dan ah islamarkaana aan lagu geleynin Eex oo si lillaahi ah wax loo go’aaminayo.
  • Ereyga (Garsoor) marka la’isku xiro wuxuu leeyahay micne ka kooban(Caddaalad, Xukun, Maamul):-
  • Si kale hadii aan u micneyno Ereyga (Garsoor) waxaa loo yaqaannaa Nidaamka Maxkamadaha (Judiciary System) oo isagu ka kooban Maxkamadaha, Garsoorayaasha iyo Nidaamka Caddaaladeed ee Dalka.
    • Qeybaha Garsoorka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ka jira saddex nooc oo garsoor ah (saddex nidaam oo kala duwan oo garsoor ah), kuwaas oo mararka qaar wada shaqeeya, mararka qaarna isku dhacaan. Nidaamyadan waxay kala yihiin:-

  • Garsoor dowladeed
  • Garsoor dhaqameed
  • Garsoor Diimeen (shareeco)
  1. Garsoorka Dowliga ah (Sharciyeysan / Rasmiga ah):-

Waa nidaamka garsoor oo ku saleysan dastuurka iyo shuruucda qoran ee dowladda, waxaana ka mid ah maxkamadaha kala duwan ee Dalka sida:

  • Maxkamadda Sare ee Dalka (heer qaran).
  • Maxkamadaha Sare ee Dowlad-goboleedyada.
  • Maxkamadaha Rafcaanka ee Gobollada.
  • Maxkamadaha Gobollada.
  • Maxkamadaha Degmooyinka.
  • Maxkamadda Ciidamada (military court)
  1. Garsoorka Dhaqanka (Xeer-beegti / Garsoor Dhaqan):-

Waa nidaam ku saleysan xeer dhaqameed oo ay bulshadu leedahay, waxaana furliya xeer-beegti ama (odayaal dhaqameed), iyagoo ku xaliyaa murano beeleedyada, Mag ama (Diyada), Dagaallada iyo Dhibaatooyin kasta oo bulshada dhexdeeda ka dhaca, garsoor dhaqameekanina wuxuu aad ugu xoog badan yahay meelaha aan dowladdu si buuxda uga shaqeynin.

  1. Garsoorka Diinta (Shareecada Islaamka)

Garsoor-diimeedka marka lajoogo bulshada Soomaaliya dhexdeeda waa kan loogu kalsooni badan yahay, waayo waa kan laxiriira diinka Islaamka oo ay ku dhaqmaan, waxaana daadihiya Culimada Diinta oo iyana aan lagu aqoonin xilliyadii hore in ay qaataan laaluush iyo Eex midna, waana tan keenta intabadan in lagu kalsoonaado, waxaana lagu saleyaa shareecada Islaamka (fiqh) iyo Maqaasideeda.

Garsoor-diimeedka waxaa lagu xalin-jirey murannada dhamaan qeybaha nolosha Soomaalida, balse hadda xilliga aan joogno waxaa lagu xalliyaa waxyaabo kooban, sida: (Guurka, Furriinka, Dhaxalka, Dardaaramada, Daymaha Ganacsi, dacwooyinka Shacsi ee dadka doorta.) waxaana loo oggolyahay in ay ka garnaqaan Culimada Diinta oo kaliya.

  • Nidaamyada Garsoor ee Soomaray Dalka 1960 – 2025

Markii ay Soomaaliya xornimadeeda qaadatay, nidaamka garsoorka waxa uu ahaa mid mideysan oo ka kooban:

    • Maxkamadda Sare
    • Maxkamadda Rafcaanka
    • Maxkamadaha Gobollada
    • Maxkamadaha Degmooyinka

Nidaamkan waxa uu ahaa mid isku dhaf ah oo ka kooban qawaaniinta caadiga ah iyo shareecada Islaamka oo bulshada soomaaliya gundhig u ah kuna dhaqanto, wuxuuna soo shaqeynayay ilaa laga soo gaaro burburkii Janaayo 1991dii.

Sidoo kale waxaa xilligaasi uu garsoorku mideysnaa shaqeynayay Gole Adeeg Garsoor oo iyagu awood buuxda u lahaan shaqadooda lahaana laxisaabtanka, dalacsiinta iyo anshaxmarinta shaqaalaha Garsoorka dalka, waxaana lagu tilmaamaa xilliga aan soo sheegney markii uu garsoorka Soomaaliya ugu xoogga badnaa uguna adkaa garsoorrada soo maray dalka.

Fashilka Dowladdii Dhexe iyo Garsoor La’aanta 1991 – 2000.

  • Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay bishii Janaayo 1991, taasoo keentay in nidaamka garsoorka uu gebi ahaanba burburo.
  • Muddo ka badan 10 sano, dalka waxa uu ku jiray xaalad garsoor la’aan ah, iyadoo muwaadiniintu ay ku tiirsanaayeen nidaamyada garsoor ee dhaqanka iyo Diinta oo kaliya.

 Dib-u-dhiska Garsoorka ee 2000 – 2012.

  • Sanadihii 2000 ilaa 2012, waxaa jiray dadaallo lagu doonayay in dib loogu dhiso nidaamka garsoorka, laakiin maxkamadaha rasmiga ah ee dalka waxay ahaayeen kuwo aan si buuxda u shaqayn, iyadoo ay jireen dhibaatooyin ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo awood la’aan.
  • Dhanka kale waxaa xilligaasi soo maray dalka Nidaam Maxkamado Islaami ah oo ay bulshadu iskeed ugu dacwo tagaan maadaama aanu jirin nimdaam adag oo  garsoor, waxaana qaar kamid ah culimada Diintu si iskood ah uga howl-gelijireen.

Nidaamka Garsoorka Federaalka ee 2012- Hadda.

  • Markii ay Soomaaliya dib u yagleeshey dowladnimada rasmiga ah ee federaalka, waxaa la sameeyay nidaam garsoor oo ka kooban tiro maxkamado ah kuna kala dudwan gobollada qaar, iyadoo ay jiraan Maamul-goboleedyo ay u dhamaystiran yihiin Nimaakooda Maxkamaduhu halka qaar aanay lahayn Maxkamad sare, waxuuna garsoorka Federalka soomaaliya u dhisan yahay sidan:-
    • Maxkamadda Sare ee Federaalka.
    • Maxkamadaha Sare ee Maamul goboleedyada, marka laga reebo Maamaulka Gobolka Banaadir oo aan laheyn Maxkamad Sare.
    • Maxkamadaha Rafcaanka ee Gobollada
    • Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyinka.
  • Garsoorka Soomaaliya ee hadda jira wuxuu la daalaadhacayaa Caqabado uu dhaliyey Nidaamka Federaalka Soomaaliya oo aan weli si hufan loo fasirin islamarkaana aanay Bulshada soomaaliyeed iyadoo aan u diyaar ahayn si kedis ah ku dhashay laguna khasbanaday ku dhaqankiisa, si loo yagleeyo dowlad soomaaliyeed oo dalka si sharci ah uga shaqeysa.
  • Nidaamka Garsoorka soomaaliya ayaa waxaa lagu sameeyey isbedel aanu mahadin dabayaaqada sandkii 2015, iyadoo Digreeto uu soo saarey madaxeyne Xasan Sh. Maxamuud lagu kala direy 30kii August 2015tii, iyadoo sabab looga dhigay kala diridda sida lagu sheegey direetada lagu kala direy:-
    • In uu Caqabad ku noqdey horumarinta Garsoorka Soomaaliya.
    • Inuu ku fashilmey  in ay u howl-galaan si hufan Sidan:
      • In ay Xulaan Garsoorayaal Aqoon leh oo daacad ah.
      • In ay Hubiyaan Madax-banaanida Garsoorka.
      • In ay ka hortagaan Faragelinta Siyaasadda ee Garsoorka.
  • Si kasta oo ay ahaataba nidaamka Garsoorka Soomaaliya wuxuu waajahayaa xilligan caqabado Garsoor oo waaweyn oo ay ka mid yihiin:
    • Kalsooni la’aan shacabka ay ku qabaan garsoorka rasmiga ah
    • Musuqmaasuq iyo eexasho
    • Dhibaatooyin dhinaca amniga iyo kaabayaasha garsoorka
    • Helitaanka garsoor la’aan iyo kharashka sare ee dacwadaha
  • Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Hay’adda Caddaaladda ee Soomaaliya, in ka badan 80% kiisaska madaniga ah iyo dambiyada ee dalka waxaa lagu xalliya nidaamka dhaqanka (xeer), taasoo muujinaysa kalsooni weyn oo shacabka ay ku qabaan nidaamkaas.
  • Farqiga u dhexeeya Garsoorka Federalka iyo Kan Maamul-goboleedyada.

Farqiga u dhexeeya garsoorka Federaalka Soomaaliya iyo garsoorka Maamul-goboleedyada waa mid ku saleysan nidaamka federaalka ee Soomaaliya iyo sida garsoorka ugu qeybsan yahay heerka maamul ee ka jira dalka, iyadoo la’eegayo sida ay bulshada soomaaliyeed u kala deggan yihiin, waxaana farqiga lagu fasiri karaa sedan:

1. Garsoorka Federaalka Soomaaliya

Garsoorka Federaalka Soomaaliya waa nidaamka garsoor ee ka shaqeeya heerka qaran, wuxuuna ka kooban yahay:

  • Maxkamadda Sare ee Federaalka:
    • Waa maxkamadda ugu sareysa ee dalka, waxayna ka go’aan gaartaa:-
      • Dacwadaha Soo dhaafa Maxkamadaha hoose ee ku yaalla Gobolka Banaadir.
      • Dacwadaha Maamul ee ka jira Gobolka Banaadir oo kaliya.
      • Dacwadaha Siyaasadeed ee Muqdisho oo kaliya.
      • Fasiraadda Dastuurka hadii uu is-qabad ka yimaado.
      • Hagidda iyo Jaan-goynta dhanka maamulka ee Garsoorka Gobolka Banaadir.
  • Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir:-
    • Maxkamaddani waxay qaadaa dacwadaha kasoo dhamaada Gobolka iyo Degmooyinka Banaadir, waxayan si toos ah u hoostagtaa Maxkamadda sare ee Federaalka.
  • Maxkamadaha Gobol iyo Degmooyinka Banadir: –
    • Waxaa jira maxkamado degmooyinka Gobolka Banaadir iyo maxkamadda Gobolka oo iyagu wada ah D1aad ee Maxkamadaha Soomaaliya, waxayna toos u hoos tagaan Maxkamadda sare ee dalka, iyadoo aanay jirin Maxkamad sare ee uu leeyahay Maamulka Gobolka Banaadir, halka aanay maxkamadaha maamullada kale hoostegin Maxkamadda Sare ee Federaalka.

2. Garsoorka Maamul-Goboleedyada

Garsoorka Maamul-goboleedyada waa nidaamka garsoor ee ka shaqeeya gobollada iyo maamul-goboleedyada sida Puntland, Somaliland, SSC Khatumo, Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed. Garsoorka noocan ah waxaa uu leeyahay awood buuxda oo dhanka garsoorka ah, waxaana u dhamaystiran intii uu lahaa maamul garsoor iyo qeybihiisa, sidan:

  • Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyinka:
    • Maamul-goboleedyada waxay leeyihiin maxkamado heer gobol iyo degmo, kuwaas oo qaada dacwooyinka bulshada ee ku saabsan arrimaha deegaanka iyo khilaafaadka ka dhaca gudaha gobollada. Maxkamadahan waxay ku shaqeeyaan shuruucda iyo xeerarka Dalka ee horey loo meelmariyay iyo kuwo maamul-goboleed, oo marka qaar ku saleysan dhaqanka ama xeer-dhaqameed.
  • Maxkamadaha Rafcaanka ee Gobollada:-
    • Maamul-goboleedyada dalka waxay leehiyiin Maxkamado Rafcaan oo qaada Dacwadaha ka dhamaada Derejada 1aad ee Maxkamadaha maamul-goboleedka islaamrkaana maamula shaqada garsoorkaasi.
  • Maxkamadaha Sare ee MaamulGoboleedyada:
    • Sida maxkamadda sare ee federaalka, maamul-goboleedyada waxay leeyihiin maxkamado sare oo qaada dacwooyinka kasoo dhamaada Darajada 2aad ee maamul-goboleedyada, waxayna adeegsadaan Sharciga iyo Qawaaniinta Federaalka, mana jiro ilaa iyo hadda maamul-goboleed leh xeer u gaar ah oo uu maxkamadihiisu wax ku fuliyaan, marka laga reebo Somaliland oo iyadu madaxbanaani sheegatey si aan bedel ahayn balse kala hormarin qodobada qaar ahna ku sameysay xeerarka dhaqan-galay ee soomaaliya.

Garsoorka Dalka Soomaaliya uma dhisna umana qaabeysna nidaamka fedraalka ee ay soomaaliya qaadatay si lamid sida aanay u kala qeexneyn awoodaha maamullada iyo awoodda maamulka guud ee federaalka, lamana micneyn weli nooca federal ee ay soomaaliya ku dhaqmeyso, taasi oo dhibaato weyn ay ku qabaan Bulshada degaannada qaar, sida bulshada ku dhaqan maamulka Gobolka Banadir oo isagu ah Gobolka ugu dadka badan maamul ahaan iyo Gobol ahaan intaba.

  • Gaqabadaha Garsoorka Soomaaliya.

Garsoorka Soomaaliya wuxuu wajahaa caqabado badan oo saameyn ku leh tayada, madax-bannaanida, iyo kalsoonida bulshada ee nidaamka cadaaladda. Qodobada ugu waaweyn ee caqabadaha ah waxaa ka mid ah:-

1. Amni darro iyo xasilooni la’aanta Dalka.

  • Dagaallo sokeeye iyo kooxo hubeysan ayaa caqabad ku ah howlgalka garsoorka, gaar ahaan meelaha aan dowladda dhexe si buuxda u maamulin.
  • Qabiilka oo soomaaliya ka sarreeya ku dhaqanka sharciga, si weynna laysugu hiilliyo, mararka qaarna sababta in ruux uu xaqiisa ku waayo iyadoo laga cabsi qabo in ay dhibaato kaweyn ka dhalato hoosna loo dhigo ama la joojiyo wax ay ahayd in laqabto.
  • Maqnaanshaha Golaha adeegga Garsoorka oo muhim u ah shaqada Caddaaladda iyada oo Garsoorayaasha mararka qaar ay soo gaarto hanjabaad kaga timaada dhanka maamulka Dowladda laguna khasbo in ay go’aamiyaan xukunno dan gaar ah lagu raadinayo.

2. Xirfad la’aan.

  • Garsoorayaal badan ma haystaan aqoon sharci dhanka waxyaabaha casriga ah manalaha Faham dhanka Shareecada ah oo ku filan, taasina waxay sababtaa dib-u-dhac iyo in ay dacwooyinku qaataan wakhti dheer.
  • Waxaa sidoo kale aad u yar Hay’adaha iyo maamullada fuliya Tababarro Xirfadeed oo wax ku ool ah oo loo sameeyo dhamaan Shaqaalaha garsoorka..

5. Qalab la’aan iyo agab xumo

  • Maxkamado badan waxay ka shaqeeyaan xarumo aan habboonayn, waxayna la’yihiin qalab muhiim ah sida kumbiyuutarro, buuggaag sharciyeed, iyo adeegyo dijitaal ah ama adeegyadu oo wadanka ka jira ayaa waxaan lahaynin kharash lagu bixiyo Koronto, Internet IWM.

6. Kala duwanaanta nidaamyada sharciyeed

  • Soomaaliya waxaa ka jira nidaamyo kala duwan oo sharciyeed: sharciga dowliga ah, shareecada Islaamka, iyo xeerarka dhaqanka (xeer beegti). Tani waxay keentaa iskahorimaad iyo jahawareer sharciyeed.

7. Maamul xumo iyo dhibaato dhaqaale

  • Miisaaniyadda garsoorka waa mid aad u kooban, iyadoo mushaaraadka garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee maxkamadaha aysan joogto u helin.
  • Maamul xumo ayaa keenta in garsoorku uusan si hufan u shaqayn.

Tusaalaha Mudan:

  • In la sugo madax-bannaanida garsoorka iyadoo la ilaalinayo dastuurka iyo xeerarka u degsan Dalka.
  • Tababar joogto ah oo la siiyo garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee sharciga.
  • Dhiirrigelinta hufnaanta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
  • Isku-dubarid iyo mideyn nidaamka sharciyeed si loo yareeyo khilaafaadka.
  • Sida looga bixikaro aragtideydan.

Caqabadaha garsoorka ee ka jira dalka Soomaaliya (ama dal kasta oo la mid ah) waa kuwo badan oo isugu jira kuwo nidaam ah, dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. Si looga baxo caqabadahaas, waxaa loo baahan yahay qorshe istiraatiiji ah oo ballaaran, oo heerar kala duwan leh, waxaana looga bixi karaa fulinta talooyin hoos ku tilmaaman:

1. Xoojinta Madax-bannaanida Garsoorka

  • Madax-bannaanida garsoorka waa in la dhowraa, si uu u noqdo hay’ad aan la faragelin karin oo fulisa kuna shaqeysa sharciga oo kaliya.
  • Waa in la joojiyo faragelinta siyaasadeed ee lagu sameeyo maxkamadaha, garsoorayaasha, iyo dacwad-oogayaasha.

2. Dhismaha iyo Tababarka Garsoorayaasha

  • In si buuxda loo habeeyo nidaamka qorista, tababarka, iyo horumarinta xirfadda garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee garsoorka.
  • Sameynta machad sharci oo tayo leh oo bixiyo tababar joogto ah ee dhanka sharciga iyo garsooridda.

3. Dib-u-eegis iyo Tayeynta lagu sameeyo Xeerarka dalka iyo dhamaystirka Dastuurka Federaalka oo muddo dhowr iyo tobansano ah qabyo ku shaqeynayay.

  • Xeerarka garsoorka ee jira waa in dib loo eego si ay ula jaanqaadaan cadaaladda casriga ah iyadoo laga duulayo Dhaqanka iyo Diinta ay aaminsantahay bulshadu.

4. Kaabayaasha Dhaqaale iyo Farsamo

  • Maxkamadaha waa in lagu qalabeeyo agab casri ah, sida kombuyuutarro, kayd xogeedyo, iyo xarumo rasmi ah.
  • Mushaaraadka garsoorayaasha iyo shaqaalaha waa in la hagaajiyaa si looga hortago musuqmaasuqa.

5. La-dagaallanka Musuqmaasuqa

  • Waa in la sameeyo guddi madax-bannaan oo dabagelaya musuqmaasuqa ka dhex jira garsoorka.
  • Dacwadaha musuqmaasuqa waa in si dhab ah loo qaado, lana maxkamadeeyo cid kasta oo ku lug leh.

6. Wacyigelinta Bulshada

  • Bulshada waa in loo sameeyo wacyigelin ku saabsan muhiimadda cadaaladda iyo sida loo heli karo.
  • In la dhiirrigeliyo isticmaalka nidaamka sharci ee rasmiga ah halkii laga adeegsan lahaa xeer-beegti si qaldan loo adeegsado.

7. Xoojinta La-dagaallanka Garsoor Been Abuur ah

  • Waa in laga hortago “maxkamado sharci darro ah” iyo garsoorayaal aan la aqoon ama aan lahayn aqoon sharciyeed sax ah.

8. Iskaashi Caalami ah iyo Gargaarka Farsameed dhab ah.

  • Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya waa in ooga faa’iideysto taageeradooda, si loo helo khibrad iyo tababar.
    • Aragtidayda Maqaalka Xiga:-
  • Waxaa mudan in laga hadlo waxyaabahan midkood:-
    • Daroogada iyo Dhibaatada Bulshada ay ku hayso.
    • Dadka Xukunnadoodu dhamaadeen ee u xiran Xuquuqda madaniga ah ee waliba aad u yar.

Dhamaad

W/Q: Avv. Abdikarim Mohamed Elmi

Scroll to Top